Text only | Accessibility | Translations

Redbridge i

You are here: Home > System Pages > Translation Services

Soomaali

FAQ for Soomaali | Contact for Soomaali

Maamulka Degmada (Council-ka ) ee Redbridge wuxuu dadka deegaanka ah siiyaa adeegyo tayadoodu sarayso kuwaas, oo caawimo ka geysta sidii Redbridge looga dhigi lahaa meel ka wanaagsan oo lagu noolaado.  Waxaanu siinaa dadka ku nool gebi ahaan Degmada boqolaal adeeg oo ay ku jiraan:

  • Iskuulo iyo waxbarasho dadka waaweyn
  • Adeegyo caruur, dadka da'yarta ah iyo qoysaska, oo ay ku jiraan daryeel caruureed
  • Adeegyo daryeel bulsho oo dadka waaweyn
  • Caawimaha gunooyinka deeqaha iyo kaalmooyinka dhaqaale
  • Talobixin guryaha ah
  • Munaasabaddaha dadweynaha
  • Diiwaangelinta dhalashooyinka, dhimashooyinka iyo guurarka
  • Maktabaddaha iyo xarumaha ciyaaraha
  • Adeegyada qashin-qubka iyo hanaanka dib-u-isticmaalidda (recycling)
  • Su'aalaha iyo ogolaashaha meelaha baabuurta la dhigto

Golaha Maamulka Degmada

Golaha maamulka Degmadu waxaa loo soo doortaa si dimuquraadi ah. Waxay go'aano ay bulshada ku metalayaan ka gaadhaan sida ay tahay in Maamulka degmadu u shaqeeyo.  Ka hel warbixino la xidhiidha xubinta xaafaddaada ee golaha maamulka degmada, adigoo booqanaya boggayaga internet-ka ama wac telefoonka 020 8708 2353.

Caafimaad

Wac 0845 4647 ama booqo www.nhs.uk

Si aad u hesho warbixin la xidhiidha goobaha agagaarkaaga ah ee xarumaha dhakhtarada, dhakhtarada ilkaha, dhakhtarada indhaha, farmasiyada, xarumaha tooska layska tago ee Adeegga Caafimaadka Qaranka (NHS), unugga shilalka iyo xaaladda deg-dega ah (A&E) iyo adeegyada daryeelka bulsho.

Adeegga Xaalad deg-deg ah

Booliska

Wac 999 haddii ay xaalad deg-deg ah oo dhab ahi jirto oo keliya.  Wixii su'aalo aan xaalad deg-deg ah ahayn, fadlan wac  020 8478 1123.

Dab (Xaalad deg-deg ah)

Fadlan wac 999

Waxaanu bixinaa adeeg turjumaad af-celin iyo qoraal ah, haddii aan Ingiriisidu ahayn luuqaddaada kowaad, ama haddii aad dhego la'dahay ama aa qabto dibaato xagga maqalka ah.

Dukumeentiga hoose wuxuu ku siin doonaa dhamaan warbixinaha aad u baahan tahay si aad u bilawdo.
Waxaad u baahan tahay Adobe Acrobat (dumumeentiyada ah pdf ) si aad dukumeentiyada ugu furto boggan.
Isticmaal isku-xidhaha soo socda si aad bilaash ugala soo baxdo Adobe Acrobat Reader software:

Haddii aad hayso wax ra'yi soo jeedin la xidhiidha Adeegyadayada Maamul Degmo, oo aad jeclaan lahayd inaad na siiso, fadlan email noogu soo dir cinwaanka: customer.cc@redbridge.gov.uk.